Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 8: XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 8: THE FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 116aad: Golaha Wasiirrada

(1) Golaha wasiirradu wuxuu ka koobanyahay ra'iisulwasaare, ra'iisulwasaare kuxigeen/kuxigeenno, wasiirro, wasiiru dawlayaal iyo wasiir kuxigeenno. Xeerka Nidaamka Xukuumadda oo uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu nidaaminayaa tirada iyo waajibaadka wasaaradaha.

(2) Golaha Wasiirrada, oo uu hoggaamiyo ra'iisulwasaaraha, ayaa mas'uul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda dawladda iyo maamulidda hawlaha qaranka, waxayna ku shaqeynayaan barnaamijka xukuumadda ee uu ansixiyay Golaha Shacabka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay Ra’iisul Wasaare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenno, wasiirro, wasiiru-dowlayaal iyo wasiir-ku-xigeenno. Tirada wasaaradaha iyo waajibaadka mid kasta waxaa lagu qeexayaa Xeerka Nidaamka Xukuumadda oo uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Golaha Wasiirrada, oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaruhu, ayaa mas’uul ka ah dejinta iyo fulinta siyaasadda Dowladda Federaalka iyo maamulidda hawlaha qaranka. Shaqadiisu waa inay ku salaysnaataa barnaamijka Xukuumadda ee uu Golaha Shacabka ansixiyey.
English

Not available.

Questions & Comments (0)