Qodobka 118aad: Xilwaayidda Xubnaha Golaha Wasiirrada
(1) Xubnaha golaha wasiirrada waxay xilkooda ku waayi karaan: (a) Geeri; (b) Iscasilaad qoraal ah; (c) Xilkaqaadis; (d) Xilgudasho la'aan joogto ah sababo la xiriira mid jireed ama maskaxeed oo uu caddeeyay dhakhtar takhasus u leh oo la aqoonsanyahay; iyo (e) Haddii uu galo fal khiyaano qaran ah, laaluush, ama xadgudub culus oo dastuuri ah ama xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(2) Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay u baahantahay kalsoonisiinta Golaha Shacabka haddii uu isbeddel ku yimaado kalabar in ka badan xubnaha golaha wasiirrada.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
