Qodobka 120aad: Awoodaha Ra'iisulwasaaraha
Ra'iisulwasaaraha oo ah madaxa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay awoodaha soo socda:
(1) Matalaadda golaha wasiirrada iyo shirguddoominta kulammadooda;
(2) Magacaabidda, xilkaqaadidda iyo isku beddelka wasiirrada, wasiiru dawleyaasha iyo wasiir kuxigeennada; kaddib oggolaanshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda;
(3) Jiheynta iyo la xisaabtanka xubnaha golaha wasiirrada;
(4) Iskuxirka hawlaha wasaaradaha, hay'adaha iyo xafiisyada dawladda;
(5) Saxiixidda go'aannada golaha wasiirrada;
(6) Adkaynta xiriirka İyo iskaashiga Xukuumadda Federaalka iyo xukuumadaha dawlad goboleedyada;
(7) Horumarinta iyo sare u qaadidda maamulwanaagga dhammaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; iyo
(8) Qabashada hawlaha kale uu u xilsaaray Madaxweynaha si waafaqsan Dastuurka ama xeerarka Dawladda Federaalka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
