Qodobka 130aad: Maxkamadda Sare ee Federaalka
(1) Maxkamadda Sare ee Federaalka waa maxkamadda ugu sarraysa dalka, awooddeeduna waxa ay ku fidsantahay dhammaan geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(2) Xarunta Maxkamadda Sare ee Federaalku waa magaalamadaxda dalka, waxayse fadhiyadeeda ku qabsan kartaa meel kasta oo dalka ka mid ah, marka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u arko in danta caddaaladdu sidaas ku jirto.
(3) Maxkamadda Sare ee Federaalku waxa ay xaqiijisaa dhawrista ku dhaqanka xeerarka, hubisaana dhaqangalka iyo dabaqidda xeerarka dalka si midaysan.
(4) Maxkamaddu si ay u xaqiijiso hirgelinta farqadda 3aad ee qodobkan, waxa ay soo saaraysaa hageyaal, habraacyo, tafsiir sharci yo awaamiir ay arrintan ku taabbagelinayso, sidoo kale waxay soo saaraysaa habraacyo ay ku jaangooynayso qiimaha dacwadaha madaniga.
(5) Go'aannada Maxkamadda Sare waa kamadambays, waana in ay u hoggaansamaan dhammaan dhinacyada ay khuseeyaan.
(6) Maxkamadda Sare ee Federaalka waxa ay ka koobantahay guddoomiyaha maxkamadda iyo toban garsoore.
(7) Maxkamadda Sare ee Federaalka waxa ay leedahay awoodahan asalka ah: (a) Ka garnaqidda iyo ka go'aangaarista cabashooyinka la xiriira dacwadaha maamul ee lidka ku ah hay'adaha federaalka; (b) Ka garnaqidda iyo ka go'aangaarista dacwadaha la xiriira muranka ikhtisaaska maxkamadaha kala duwan ee dalka; ee la xiriira ikhtisaaska federaalka ah; (c) Ka garnaqidda iyo ka go'aangaarista dacwadaha la xiriira magacaabidda iyo xilkaqaadista jagooyinka dawladda ee heer federaal; (d) Ka garnaqidda iyo ka go'aangaarista dacwadaha la xiriira muranka doorashooyinka; (e) Dhaarinta madaxda heer federaal; (f) Siinta talo sharci Dawladda Federaalka marka la waydiiyo; (g) Soo saaridda amarro ku socda hay'daha dawladda ee ku saabsan gudashada hawlqaran oo uu xeerku ku waajibiyay ama ka joogsashada fulinta arrin aan xeerku awood u siin; (h) Dhegaysiga yo ka go'aangaarista cabashooyinka u baahan ku noqoshada ama ka noqoshada go'aaneed ee laga keeno go'aan iyada ka soo baxay; (i) Go'aan ka gaaridda cabashooyinka la xariira xorriyad ka qaadidda sharcidarrada ah ee loo soo gudbiyo ayna ikhtisaaska u leedahay; iyo (j) Awoodaha kale ee ku xusan Dastuurka Federaalka Soomaaliya lyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(8) Maxkamadda Sare ee Federaalka waxay kale oo leedahay ikhtisaaska rafcaan ee soo socda: (a) Ka garnaqidda iyo ka go'aangaarista cabashooyinka laga soo qaato xukunnada iyo go'aannada maxkamadaha kore ee dawlad goboleedyada iyo caasimadda ee la xiriira dacwadaha federaaliga ah; (b) Ka garnaqidda iyo ka go'aangaarista cabashooyinka laga soo gaato xukunnada iyo go'aannada maxkamadaha kore ee dawlad goboleedyada iyo caasimadda ee la xiriira dacwadaha ganacsi ee dabeecad caalami leh iyo kuwa qiimahoodu aadka u sarreeyo; (c) Ka go'aangaarista rafcaannada laga soo qaato xukunnada dilka ah ee maxkamadaha kore ee dawlad goboleedyada iyo caasimadda; iyo (d) Arrimaha kale ee ku xusan xeerarka dalka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
