Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Labaad: Maxkamadaha Jamhuuriyadda Federaalka
Somali (Original)

Qodobka 132aad: Maxkamadaha Kore

(1) Dawlad goboleed kasta wuxuu yeelanayaa Maxkamad Kore oo xarunteedu tahay caasimadda dawlad goboleedka, waana hay'adda garsoorka ugu sarraysa ee ka shaqeysa soohdimaha dawlad goboleedkaas. Awooddeedu waxay ku fidsantahay dhammaan degaannada hoosyimaada dawlad goboleedka.

(2) Maxkamadda Kore ee dawlad goboleedku waxay ikhtisaas u leedahay: (a) Ka garnaqidda iyo ka go'aangaarista cabashooyinka la xiriirta dacwadaha maamul ee dhanka ka ah hay'adaha dawlad goboleedka; (b) Dhegeysiga dacwadaha la xiriira muranka awoodaha maxkamadaha kala duwan ee dawlad goboleedka ee aan hoos tagayn ikhtisaaska federaalka; (c) Ka garnaqidda iyo ka go'aangaarista rafcaannada laga soo qaato xukunnada iyo go'aannada maxkamadaha darajada koowaad ee dawlad goboleedka ee khusaysa dacwadaha federaaliga ah. (d) Ka garnaqidda iyo ka go'aangaarista rafcaannada aan federaaliga ahayn ee laga soo qaato xukunnada iyo go'aannada maxkamadaha darajada labaad ee dawiad goboleedka; (e) Go'aan ka gaaridda dacwadaha la xiriira magacaabidda iyo xilkaqaadista xilalka dawladda ee heer dawlad goboleed ee ku siman soohdimaha dawiad goboleed kasta; iyo (f) Fulinta awood kasta oo uu sliyo dastuurka ama xeerarka dawlad goboleedka, haddii aanay awoodahaasi ka hor imaanayn Dastuurka Federaalka İyo xeerarka federaalka.

(3) Caasimaddu waxay yeelanaysaa maxkamad kore, maxkamad rafcaan iyo maxkamadaha darajada koowaad.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Dowlad-goboleed kasta wuxuu yeelanayaa Maxkamad Sare oo xarunteedu tahay caasimaddiisa, awooddeeduna ku fidsan tahay dhammaan deegaannada dowlad-goboleedkaas. Maxkamaddani waa hay’adda garsoorka ugu sarraysa ee dowlad-goboleedka, waxayna qaadaysaa dacwadaha maamul ee ka dhanka ah hay’adaha dowlad-goboleedka, khilaafaadka awoodaha maxkamadaha iyo dacwadaha la xiriira magacaabista ama xilkaqaadista jagooyinka dowladda ee heer dowlad-goboleed. Waxay sidoo kale dhageysataa rafcaannada laga qaato go’aannada maxkamadaha hoose, iyadoo ku xiran nooca dacwadda iyo awoodda sharcigu siiyey. Waxay fulinaysaa awoodaha kale ee dastuurka iyo shuruucda dowlad-goboleedku siiyaan, haddii aanay ka hor imanayn Dastuurka iyo shuruucda federaalka. Caasimadda dalkuna waxay yeelanaysaa Maxkamad Sare, Maxkamad Rafcaan iyo maxkamado darajada koowaad.
English

Not available.

Questions & Comments (0)