Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 8: XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 8: THE FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 122aad: Waajibaadka Wasiirka, Wasiiru Dawlaha iyo Wasiir Kuxigeenka

(1) Wasiir kasta wuxuu mas'uul ka yahay hawlaha wasaaradda loo magacaabay.

(2) Wasiir kuxigeen kasta wuxuu qabtaa hawlaha wasiirka wasaaraddu u igmado, wuxuuna yahay kusimaha wasiirka marka uu ka maqanyahay dalka.

(3) Wasiiru dawle waxaa loo magacaabi karaa madaxtooyada, xafiiska ra'iisulwasaaraha iyo wasaaradda u xilsaaran arrimaha dibedda, wuxuuna fulinayaa hawlaha la xiriira xafiiska loo magacaabay.

(4) Haddii wasiir xilka laga qaado ama uu xilka banneeyo sababo kale awgeed, waxaa xilka sii haynaya wasiir kuxigeenka inta laga soo magacaabayo wasiir cusub.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Wasiir kasta wuxuu mas’uul ka yahay shaqada iyo hawlaha wasaaradda loo magacaabay. Wasiir-ku-xigeenku wuxuu qabtaa hawlaha uu wasiirku u igmado, wuxuuna si ku-meel-gaar ah u sii wadaa shaqada wasiirka marka uu dalka ka maqan yahay. Wasiiru-dawlaha waxaa laga magacaabi karaa Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ama Wasaaradda Arrimaha Dibadda, wuxuuna fuliyaa hawlaha xafiiska loo magacaabay. Haddii wasiir xilka laga qaado ama uu xilka ka tago sabab kale awgeed, wasiir-ku-xigeenka ayaa sii wada shaqada wasiirka ilaa wasiir cusub la magacaabayo.
English

Not available.

Questions & Comments (0)