Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 8: XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 8: THE FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 125aad: Xukuumadda Xilgaarsiinta

(1) Xukuumadda xilgaarsiinta oo ah xukuumadda xilliga kalaguurka ee doorashadu qabsoontay isla markaana aan xukuumad cusub weli la soo dhisin ama kalsoonida lagala noqday si waafaqsan Qodobka 124aad ee Dastuurka, waxay sil ahaanaysaa xukuumad xilgaarsiin, waxayna fulisaa waajibaadka caadiga ah ee dawladda.

(2) Xukuumadda xilgaarsiinta waxaa ka reebban arrimaha soo socda: (a) Gelidda heshiisyo caalami ah ama kuwo waqti dheer qaadanaya oo saamaynaya siyaasadda xukuumadda cusub; (b) Soojeedinta magacaabidda iyo xilkaqaadista xilalka sare ee dawladda; (c) Curinta ama soo gudbinta hindise xeereed; (d) Go'aanno abuuraya qalalaase ama khilaaf siyaasadeed; (e) Jaangooynta qiimaha badeecadaha, mushaaraadka iyo adeegyada saamaynaya dhaqaalaha qaranka; iyo (f) Soojeedinta afti dadweyne iyo ku dhawaaqid xaalad degdeg ah ama mid dagaal.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Xukuumadda xilgaarsiintu waa xukuumadda sii shaqaynaysa marka doorasho dhacdo oo aan weli la dhisin xukuumad cusub, ama marka xukuumaddii hore kalsoonida lagala noqdo sida Dastuurku dhigayo. Xukuumaddani waxay sii waddaa hawlaha caadiga ah ee dowladda ilaa xukuumad cusub la dhiso. Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda xilgaarsiintu ma samayn karto arrimo waaweyn oo saamaynaya siyaasadda iyo shaqada xukuumadda cusub, sida: - Gelitaanka heshiisyo caalami ah ama heshiisyo muddo dheer soconaya oo saamaynaya siyaasadda xukuumadda cusub. - Soo jeedinta magacaabista ama xilkaqaadista saraakiisha sare ee dowladda. - Diyaarinta ama soo gudbinta hindise sharciyeed cusub. - Qaadashada go’aanno keeni kara qalalaase ama khilaaf siyaasadeed. - Dejinta qiimaha badeecadaha, mushaharka iyo adeegyada saamaynaya dhaqaalaha dalka. - Soo jeedinta afti dadweyne ama ku dhawaaqista xaalad degdeg ah ama xaalad dagaal.
English

Not available.

Questions & Comments (0)