Qodobka 124aad: Xilkaqaadidda Ra'iisulwasaaraha iyo Golaha Wasiirrada
(1) Hindisaha xilkaqaadista Ra'iisulwasaaraha, waxaa soojeedin kara ugu yaraan shan meelood meel (1/5) tirada xubnaha Golaha Shacabka, halka xilkaqaadista xubin ka mid ah golaha wasiirrada ay soojeedin karaan toban (10) xildhibaan oo Golaha Shacabka ah, si waafaqsan Qodobka 92aad, faqraddiisa 2aad ee Dastuurka.
(2) Guddoonka Golaha Shacabku waa in hindisaha xilkaqaadista ku horgeeyaa fadhiga guud ee Golaha Shacabka muddo toddoba (7) maalmood gudahood oo maalmo shaqo ah.
(3) Golaha Shacabka waa in go'aan uga gaaraa soojeedinta xilkaqaadista ugu badnaan muddo shan iyo toban (15) maalmood ah iyadoo cidda uu hindisaha khuseeyo la siinayo fursad uu isku difaaco Golaha Shacabka hortiisa.
(4) Haddii Golaha Shacabka ay cod gacan taag ah aqlabiyad boqolkiiba konton iyo hal dheeri (50%+1) ah tirada guud ee xubnahiisa ugu codeeyaan xilkaqaadista ra'iisulwasaaraha, golaha wasiirrada ama xubin ka tirsan golaha wasiirrada: (a) Haddii ay xilkaqaadistu khuseyso Ra'iisulwasaaraha, Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu soo magacaabayaa Ra'iisulwasaare cusub si waafaqsan Qodobka 110(1) ee Dastuurka. (b) Haddii xilkaqaadistu ay khuseyso xubin ka tirsan golaha wasiirrada, ra'iisulwasaaraha wuxuu soo magacaabayaa xubin buuxisa xilka bannaanaaday si waafaqsan Qodobka 120 (2) ee Dastuurka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
