Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Labaad: Maxkamadaha Jamhuuriyadda Federaalka
Somali (Original)

Qodobka 137aad: Da'da Hawigabka iyo Muddada Xilhaynta

(1) Garsooreyaashu waxa ay hawlgab iskood ah gali karaan xilliga ay gaaraan da'da 65 jirka, waxaana waajib ku ah in ay hawlgab noqdaan marka ay gaaraan da'da 70 jirka.

(2) Guddoomiyaha iyo garsooreyaasha Maxkamadda Sare, guddoomiyeyaasha maxkamadaha kore ee dawlad goboleedyada iyo Caasimadda waxa ay hawlgabka galayaan marka ay gaaraan da'da 75 jirka, haddii aanay si iskood ah uga farlisan xilka si waafaqsan faqradda 1aad ee qodobkan.

(3) Muddada xilhaynta guddoomiyaha İyo garsooreyaasha Maxkamadda Dastuurku waa toddoba (7) sano oo hal mar la cusboonaysiin karo.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Garsoorayaashu waxay ikhtiyaarkooda hawlgab ku geli karaan marka ay gaaraan 65 sano, waxaana waajib ku ah inay hawlgab noqdaan marka ay gaaraan 70 sano. Hase yeeshee, Guddoomiyaha iyo garsoorayaasha Maxkamadda Sare iyo guddoomiyeyaasha maxkamadaha sare ee dowlad-goboleedyada iyo caasimadda waxay xilka hayn karaan ilaa ay ka gaaraan 75 sano, haddii aanay hore uga fariisan. Guddoomiyaha iyo garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurku waxay xilka hayaan toddoba sano, waxaana loo cusboonaysiin karaa hal mar oo keliya.
English

Not available.

Questions & Comments (0)