Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Labaad: Maxkamadaha Jamhuuriyadda Federaalka
Somali (Original)

Qodobka 136aad: Dhaarta Garsoorka

(1) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka waxaa lagu hor dhaarinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyadoo ay goobjoog yihiin guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

(2) Garsooreyaasha Maxkamadda Sare, Garsooreyaasha Maxkamadda Dastuurka iyo dhammaan garsooreyaasha kale waxaa lagu hor dhaarinayaa Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka.

(3) Guddoomiyaha iyo garsooreyaasha maxkamadda kore ee dawlad goboleedka waxaa lagu hor dhaarinayaa hoggaamiyaha dawlad goboleedka iyadoo uu goobjoog yahay guddoomiyaha golaha wakilllada.

(4) Guddoomiyeyaasha iyo garsooreyaasha ku xusan farqadaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee qodobkan, inta aanay shaqada billaabin, waxa ay marayaan dhaartan: "Aniga oo ah _______________________, waxaan ku dhaaranayaa magaca llaahay inaan si daacad ah u guto waajibaadkayga; dhawrana Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u yaalla; inaan u fuliyo xilkayga si madaxbannaan oo dhexdhexaad ah; go'aannadaydana ku gaaro si aan lahayn cabsi, eex, siyaaasad, qof jeclaysi ama saamayn kale; iyo inaan ku shaqeeyo danaha caddaaladda iyo sarraynta sharciga oo keliya, ilaaliyana sharafta, hufnaanta iyo madaxbannaanida garsoorka dalka".

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuurka waxaa lagu dhaarinayaa Madaxweynaha hortiisa, iyadoo ay joogaan guddoomiyeyaasha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka. Garsoorayaasha kale waxaa dhaarinaya Guddoomiyaha Golaha Sare ee Garsoorka, halka guddoomiyaha iyo garsoorayaasha maxkamadda sare ee dowlad-goboleedka lagu dhaarinayo hoggaamiyaha dowlad-goboleedka, iyadoo uu joogo guddoomiyaha golaha wakiillada. Ka hor inta aanay shaqada bilaabin, dhammaan garsoorayaashu waxay ku dhaaranayaan inay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda, ilaaliyaan Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo shuruucda dalka, isla markaana go’aannadooda u gaaraan si madaxabannaan oo dhexdhexaad ah, iyaga oo aan u hoggaansamayn cabsi, eex, siyaasad ama saamayn kale. Waxay sidoo kale ballanqaadayaan inay ilaaliyaan caddaaladda, sarraynta sharciga, sharafta iyo madaxabannaanida garsoorka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)