Qodobka 135aad: Habraaca Magacaabista Garsooreyaasha iyo Kaaliyeyaasha
(1) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare İyo Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka waxaa magacaabistooda loo marayaa habka soo socda: (a) Golaha Sare ee Garsoorka wuxuu soojeedinayaa qof hufnaan iyo dhaqan suubban leh, haystana ugu yaraan shahaado jaamacadeed heerka labaad ee qaanuunka, leh waaya-aragnimo aan toban (10) sano ka yarayn oo ah shaqo garsoore, xeer-ilaaliye, qareen ama bare sare ee sharci; (b) Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa, qofka kasta oo la soo magacaabay, ku ansixinaya ama ku diidaya aqlabiyad boqoikliba konton iyo hal dheeri (50%+1) ah tirada guud ee xubnaha gole walba, kaddib soojeedinta Golaha Sare ee Garsoorka; (c) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xeer madaxweyne ku meelmarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, kaddib ansixinta Baarlamaanka Federaalka; waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda.
(2) Kaddib soojeedinta Golaha Sare ee Garsoorka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu u magacaabayaa garsooreyaasha kale ee Maxkamadda Sare iyo Maxkamadda Dastuurka, qof hufnaan iyo dhaqan suubban leh, haystana ugu yaraan shahaadada koowaad ee qaanuunka, leh waaya-aragnimo aan todobba (7) sano ka yarayn oo ah shaqo garsoore, xeer-ilaaliye, gareen ama bare sare ee sharci.
(3) Guddoomiyeyaasha maxkamadaha kore waxaa magacaabaya hoggaamiyeha dawlad goboleedka, kaddib marka Golaha Sare Garsoorku soojeediyo, golaha wakiillada dawlad goboleedkuna ansixiyo.
(4) Dhammaan garsooreyaasha kale iyo kaaliyayaasha waxaa magacaabaya Golaha Sare ee Garsoorka, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
