Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Saddexaad: Xeer-Ilaalinta Guud
Somali (Original)

Qodobka 139aad: Dhismaha Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka

(1) Waxaa la dhisayaa xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka.

(2) Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranku wuxuu ka koobanyahay: (a) Xeer-ilaaliyaha Guud oo ah mas'uulka ugu sarreeya xafiiska, iyo Kuxigeennada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka: iyo (b) Xeer-ilaaliyaha dawlad goboleedka iyo kuxigeennada xeer-ilaaliyaha dawlad goboleedka iyo Caasimadda Jamhuuriyadda.

(3) Xarunta Xafliska Xeer-ilaalinta Guud waa Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna xarummo shaqo ku yeelan karaa meeshii uu u arko Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka in ay u muhiim u tahay fulinta hawlaha xafiiska.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Waxaa la dhisayaa Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka, oo uu hoggaaminayo Xeer-ilaaliyaha Guud, kana kooban ku-xigeennadiisa, xeer-ilaaliyeyaasha dowlad-goboleedyada iyo caasimadda, iyo ku-xigeennadooda. Xarunta dhexe ee xafiisku waxay ku taallaa caasimadda dalka, wuxuuna xarumo kale ka furan karaa meel kasta oo Xeer-ilaaliyaha Guud u arko inay muhiim u tahay gudashada waajibaadka xafiiska.
English

Not available.

Questions & Comments (0)