Qodobka 140aad: Magacaabista İyo Xilkaqaadista Xubnaha Xafilska Xeer-ilaalinta
(1) Habraaca magacaabista Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, xilwaayiddiisa iyo dhaartaba waa mid la mid ah habraaca Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Federaalka iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka, marka laga reebo aqlabiyadda xilkaqaadista Baarlamaanka oo noqonaysaa boqolkiiba konton iyo hal dheeri (50%+1) ee tirada guud ee xubnaha gole walba.
(2) Xeer-ilaaliyeyaasha xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxaa magacaabistooda, xilkaqaadistooda iyo dhaartoodaba loo marayaa habraac la mid ah kan garsooreyaasha sare ee Maxkamadda Dastuurka iyo Maxkamadda Sare ee Federaalka.
(3) Xeer-llaaliyayaasha dawlad gobooledyada waxaa magacabistooda, xilkaqaadistooda iyo dhaartoodaba loo marayaa habraac la mid ah garsooreyaasha maxkamadda kore ee dawlad goboleedka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
