Qodobka 141aad: Madaxbannaanida Xafiiska Xeer-ilaalinta
(1) Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Qaranka oo qayb ka mid ah garsoorka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu u madaxbannaan yahay hawlaha maamul iyo maaliyadeed ee xafiiska.
(2) Xeer-ilaaliyuhu wuxuu u hoggaansamayaa oo keliya Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo Xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya marka uu gudanayo waajibaadkiisa, lamana faragelin karo xafiiska xeer-ilaalinta iyo saraakiishiisa marka ay gudanayaan xilalkooda.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
