Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Saddexaad: Xeer-Ilaalinta Guud
Somali (Original)

Qodobka 142aad: Xilka iyo Awoodaha Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka

(1) Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta caddaaladda, ku dhaqanka xeerarka, difaacidda danaha shacabka iyo dawladda.

(2) Awoodaha xafiiska Xeer-ilaalinta Guud waxaa ka mid ah: (a) La dagaallanka iyo ka hortagga dembiyada federaalka; (b) Inuu dhaqaajiyo isla markaana oogo dacwadaha ciqaabta federaaliga ah; (c) Hoggaaminta baarista dembiyada federaaliga; (d) Inuu unko ama billaabo tallaabooyinka horgaynta eedaysanayaasha maxkamadaha hortooda; (e) Inuu qaato rafcaannada dacwadaha laga xukumo markay ay ku jirto danta caddaaladda; (f) Inuu maxkamadaha ku matalaa dadka taagta daran iyo carruurta agoonta ah; (g) Inuu ku kormeero hay'adaha baarista iyo saraakiisha booliiska federaalka shaqadooda la xiriirta baarista; (h) Inuu hago ama uu la wareego tallaabooyinka baariseed si waafaqsan danta guud; (i) Inuu hago iskuna xiro xafiisyada xeer-ilaalinta ee heerarka kala duwan ee dawladda; iyo (j) Inuu guto hawl kasta oo ay farayaan Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka.

(3) Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxay mas'uuliyad gaar ah ka saarantahay: (a) Agoonta iyo dadka aan isdifaaci karin sharciga hortiisa; (b) Hubinta in eedda lagu gudbiyo muddada xeerku tilmaamay; iyo (c) Kormeeridda xabsiyada federaalka iyo goobaha sharcigu oggolyahay ee dadka lagu xiro ama lagu hayo.

(4) Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu soo saari karaa habraacyo iyo hagayaal lagu fududeynayo shaqada xafiiska.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud wuxuu mas’uul ka yahay ilaalinta caddaaladda, ku dhaqanka sharciga iyo difaacidda danaha shacabka iyo dowladda. Wuxuu ka hortagaa dembiyada federaalka, hoggaamiyaa baaristooda, oogaana dacwadaha ciqaabta ee federaalka. Waxa kale oo uu rafcaan ka qaadan karaa go’aannada maxkamadaha marka ay danta caddaaladdu sidaas u baahan tahay, maxkamadahana ugu matali karaa agoonta iyo dadka aan awoodin inay xuquuqdooda iskood u difaacaan. Wuxuu kormeeraa shaqada booliiska federaalka ee baarista dembiyada, hagaa hawlaha baarista, isku dubbaridaa xafiisyada xeer-ilaalinta ee heerarka kala duwan, wuxuuna fuliyaa waajibaadka kale ee sharcigu u xilsaaro. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu si gaar ah u ilaaliyaa xuquuqda agoonta iyo dadka aan isdifaaci karin, hubiyaa in eedeymaha lagu gudbiyo muddada sharcigu cayimay, wuxuuna kormeeraa xabsiyada federaalka iyo goobaha kale ee dadka si sharci ah loogu hayo. Waxa kale oo uu soo saari karaa habraacyo iyo hagayaal fududaynaya shaqada xafiiska.
English

Not available.

Questions & Comments (0)