Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Saddexaad: Xeer-Ilaalinta Guud
Somali (Original)

Qodobka 143aad: Awoodaha Xafiiska Xeer-ilaalinta Dawlad Goboleedka

(1) Xafiiska Xeer-ilaalinta dawlad goboleedka waxa uu awood u leeyahay dacwad oogista dhammaan dacwadaha ka dhasha xeerarka dawlad goboleedka oo keliya, waxaana awoodihiisa ka mid ah: (a) Inuu oogo dacwadaha ciqaabta ah ee heer dawlad goboleed; (b) Inuu billaabo tallaabooyinka horgaynta eedaysanayaasha maxkamadaha hortooda ee; (c) Inuu qaato rafcaannada dacwadaha laga xukumo markay ay ku jirto danta caddaaladda; (d) Inuu maxkamadaha ku matalaa dadka taagta daran iyo carruurta agoonta ah, arrimaha la xiriira xeerarka dawlad goboleedka; (e) Inuu ku kormeero hay'adaha baarista dawlad goboleedka iyo saraakiisha boolliska shaqadooda la xiriirta dembiyada dawlad goboleedka; (f) Inuu hago ama uu la wareego tallaabooyinka baariseed ee la xiriira xeerarka dawlad goboleedka si waafaqsan danta guud; iyo (g) Inuu guto hawl kasta oo ay farayaan Dastuurka iyo xeerarka Dawladda Federaalka ama Dastuurka iyo xeerarka dawlad goboleedka.

(2) Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu u idman karaa xeer-ilaaliyaha dawlad goboleedka ama mid ka mid ah xeer-ilaaliyeyaasha dawlad goboleedka oogista dacwadaha ciqaabta ee federaalka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Xafiiska Xeer-ilaalinta ee dowlad-goboleedku wuxuu qaabilsan yahay oogista dacwadaha ka dhasha shuruucda dowlad-goboleedka. Wuxuu oogi karaa dacwadaha ciqaabta, eedaysanayaasha horgeyn karaa maxkamadaha, rafcaan ka qaadan karaa go’aannada maxkamadaha marka ay danta caddaaladdu sidaas u baahan tahay, wuxuuna maxkamadaha ku matali karaa agoonta iyo dadka aan awoodin inay xuquuqdooda difaacaan. Waxa kale oo uu kormeeraa hay’adaha baarista iyo booliiska dowlad-goboleedka, hagaa baarista dembiyada, wuxuuna fuliyaa hawlaha kale ee Dastuurka iyo shuruucdu u xilsaaran yihiin. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu u igman karaa xeer-ilaaliyaha dowlad-goboleedka ama ku-xigeennadiisa inay soo oogaan dacwadaha ciqaabta ee federaalka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)