Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Afaraad: Maamulka Garsoorka
Somali (Original)

Qodobka 148aad: Sanduuqa Garsoorka

(1) Si loo xaqiijiyo madaxbannaanida hay'adaha garsoorka, Dastuurkan wuxuu aasaasayaa Sanduuqa Garsoorka oo hoos yimaada nidaamka Qasnadda Midaysan ee Dawladda.

(2) Sanad maaliyadeed kasta, Xoghayaha Guud ee Garsoorka ayaa diyaarinaya miisaaniyadda garsoorka taas oo ka mid ah hannaanka guud ee nidaamka dejinta miisaaniyadda garanka.

(3) Sanduuqa waxaa loo isticmaalayaa kharashaadka maamul ee garsoorka iyo arrimaha kale ee muhlimka u ah xilgudashada garsoorka, kaddib marka sanduuqa lagu shubo qoondada miisaaniyadda garsoorka.

(4) Xeerka Nidaamka Garsoorka ayaa lagu faahfaahinayaa maamulka Sanduuqa Garsoorka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Si loo ilaaliyo madaxabannaanida garsoorka, waxaa la dhisayaa Sanduuqa Garsoorka oo qayb ka ah nidaamka Qasnadda Midaysan ee dowladda. Sannad kasta, Xoghayaha Guud ee Garsoorku wuxuu diyaarinayaa miisaaniyadda garsoorka, taas oo qayb ka noqonaysa miisaaniyadda guud ee qaranka. Sanduuqa waxaa lagu bixinayaa kharashaadka maamulka garsoorka iyo baahiyaha kale ee lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkiisa, iyadoo la adeegsanayo qoondada miisaaniyadda loo qoondeeyey. Xeerka Nidaamka Garsoorka ayaa faahfaahinaya sida sanduuqa loo maamulayo.
English

Not available.

Questions & Comments (0)