Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Afaraad: Maamulka Garsoorka
Somali (Original)

Qodobka 149aad: Fadhiyada Golaha Sare ee Garsoorka

(1) Xubnaha Golaha Sare ee Garsoorka waa in ay shiraan ugu yaraan halmar saddexdii biloodba.

(2) Golaha waxaa iskugu yeeri kara oo keliya guddoomiyaha golaha, haddil u maqanyahayna waxaa iskugu yeeri kara guddoomiye kuxigeenka.

(3) Guntanka fadhiyada Golaha waxa uu ku qabsoomayaa ugu yaraan aqlabiyad boqolkiiba konton iyo hal dheeri (50%+1) ah tirada xubnaha golaha.

(4) Shirka Golahu wuxu ku qabsoomi karaa xarunta guud ee golaha, waxa uu sidoo kale ka dhici karaa hadba meeshli uu guddoomiyaha goluhu u arko munaasab.

(5) Haddii aan cutubkan ivo xeerarka dalku si kale u qeexin, go'aannada golaha waxaa lagu gaarayaa cod hal dheeri ah, haddii ay codadku barbardhac noqdaan, codka guddoomiyaha ayaa kala saaraya.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Golaha Sare ee Garsoorku waa inuu kulmaa ugu yaraan hal mar saddexdii biloodba. Guddoomiyaha ayaa awood u leh inuu shirka isugu yeero xubnaha, haddii uu maqanna guddoomiye-ku-xigeenka ayaa qaban kara. Kulanku wuxuu ansax noqonayaa marka ay joogaan ugu yaraan 50%+1 tirada guud ee xubnaha golaha. Shirku wuxuu ka dhici karaa xarunta golaha ama meel kale oo guddoomiyuhu ku habboon u arko. Go’aannada waxaa lagu gaaraa aqlabiyadda codadka, haddii codadku isle’ekaadaanna codka guddoomiyaha ayaa go’aaminaya.
English

Not available.

Questions & Comments (0)