Qodobka 150aad: Mabaadi' da Guud
(1) Guddiyada madaxabannaan ee lagu dhisay Dastuurkan waa hay'ad ka madaxbannaan xukuumadda ama xakamayn siyaasadeed, awoodna u leh adeegsiga aqoontooda xirfadeed ee la xiriira hawlahooda u gaarka ah.
(2) Guddi madaxbannaan marka wu ku jiro gudashada waajibaadkiisa iyo hawlgalkiisa waa in ay ka muuqataa in uu ku shaqaynayo dareenka dhawrista xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyad iyo daahfurnaan.
(3) Guddi madaxbannaan marna ma hoos imaanayo, kamana amarqaadanayo qof ama hay'ad awood xukun leh midna.
(4) Guddiyada madaxabannaan waxay yeelanayaan miisaaniyad u gaar ah oo ku jirta miisaaniyadda guud ee dawladda, waxayna leeyihlin madaxbannaani maamul iyo maaliyadeed.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
