Qodobka 151aad: Guddiyada Madaxabannaan
Dastuurkan wuxuu dhisayaa guddiyada madaxabannaan oo ay ka mid yihlin kuwa soo socda:
(1) Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee lagu xeeriyey Qodobka 41aad ee Cutubka 2aad.
(2) Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka İyo Soohdimaha ee lagu xeeriyey Qodobka 55aad ee Cutubka 4aad.
(3) Golaha Sare ee Garsoorka ee lagu xeeriyey Qodobka 144aad ee Cutubka 9aad.
(4) Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Federaalka ee lagu xeeriyey Qodobka 158aad ee Cutubka 11aad.
(5) Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee lagu xeeriyey Qodobka 193aad ee Cutubka 15aad.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
