Qodobka 152aad: Guddiga Madaxbannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa
(1) Waxaa la dhisayaa Guddiga Madaxabannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuga.
(2) Guddigu waxa uu sameyn karaa baaritaan isaga oo iskiis u billaabaya ama ku salaynaya cabasho, xogsirdoon, warbixin hantidhowr ama xog kale oo lagu kalsoonaan karo.
(3) Mas'uuliyadaha guddiga waxaa ka mid ah: (a) Horumarinta siyaasadaha iyo tallaabooyinka ka hortagga musuqmaasuqa, oo ay ku jiraan habraacyo daahfurnaan iyo islaxisaabtan; (b) Kor u qaadista daacadnimada iyo maamulka hufan ee hantida dadweynaha, gaar ahaan hababka wax iibsiga, heshiisyada, canshuuraha, kharashaadka iyo maareynta dakhliga; (c) Wacyigelinta dadweynaha, diyaarinta cilmibaaris lyo tababbar ku saabsan ka hortagga musuqmaasuqa; iyo (d) Kor u qaadista iskaashiga hay'adaha federaalka, dawlad goboleedyada, iyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada farsamada iyo xog isweydaarsiga.
(4) Awoodaha guddiga waxaa ka mid ah: (a) Ka hortagga, baarista, uruurinta cadeymaha, iyo u gudbinta dacwadaha musuqmaasuqa xafiiska xeer-ilaalinta; (b) Dalbashada helista dukumentiyo, xog diiwaanno iyo macluumaad ay hayaan hay'adaha dawladda iyo cid kasta oo adeeg dadweyne haysa, iyadoo la ilaalinayo xeerarka ilaalinta xogta; (c) Soo saarista tilmaamo iyo halbeegyo anshax iyo ka hortag iskahorimaadka danaha ee loogu talagalay hay'adaha dawladda, si waafaqsan xeerka; iyo (d) Soojeedinta talooyin lagu xakameynayo musuqmaasuqa.
(5) Xayndaabka awoodda guddiga waa sida soo socota: (a) Musuqmaasuqa ay ku kacaan saraakiisha dawladda, gudaha iyo dibedda dalka; (b) Lunsasho, boob, leexsasho, ama ku takrifal hanti dadweyne ama hanti gaar ah oo lagu aaminay mas'uul dawladeed; (c) Ku shaqaysiga nufuudda iyo xiriirrada gaarka ah si loo helo faalido aan sharci ahayn; iyo (d) Ku xadgudub waajibaad shaqo, isdiiddo daneed, ama ka taajirid xil dawladeed si sharcidarro ah.
(6) Xubnaha guddigu wuxuu ka koobanyahay sagaal (9) xubnood, waxayna iska dhexdooranayaan guddoomiye iyo guddoomiye kuxigeen.
(7) Shuruudaha xubinnimada, magacaabidda, muddada xilhaynta İyo xilkaqaadista xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa waxaa loo marayaa habraaca la mid ah midka Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka İyo Soohdimaha ee ku xusan Qodobbada 58aad, 59aad iyo 60aad ee Dastuurka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
