Qodobka 153aad: Xafiiska Gardoonka
(1) Dastuurkan wuxuu dhisayaa xafiiska Gardoonka oo ah hay'ad ay dadweynuhu u geysan karaan cabashooyinkooda ku saabsan xadgudubyada xubno ka tirsan ciidammada ama maamulka dawladda.
(2) Xafiiska Gardoonku wuxuu baaritaan iskiis ah u billaabi karaa haddil ay jiraan tuhuno la xariira xadgudubyo ay ciidammadu u geysteen qof ama koox ka mid ah bulshada, haddii lagu qanco inuu jiro faldembiyeedyada, wuxuu dacwad u gudbin karaa hay'adda awoodda u leh.
(3) Xeer gaar ah uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qeexaya awoodaha iyo waajibaadka Xafiiska Gardoonka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
