Qodobka 163aad: Tababbarka iyo Iskaashiga Heerarka Dawladda
(1) Dawladda Federaalka waxa ay dhisaysaa Machadka Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ah oo bixinaya tababbar waajib ah iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha heer kasta.
(2) Machadka Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ah waxa uu sameynayaa qiimeyn sanadeed lagu ogaanayo baahiyaha tababbarka iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha rayidka ah.
(3) Machadku waxa uu iskaashi la yeelanayaa xarummaha tababbarka ee heer gobol iyo kuwa caalami ah.
(4) Dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada waxay iska kaashanayaan ka wada faa'iideysiga hawlwadeennada heerarka kala duwan, si loo xaqiijiyo khibradda iyo waaya-aragnimadu in ay noqdaan mid laga heli karo heer kasta oo looga baahanyahay, iyada oo taasna lagu horumarinayo midnimada qaranka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
