Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 11: SHAQAALAHA RAYIDKA EE DAWLADDA
(CHAPTER 11: THE CIVIL SERVICE)
Somali (Original)

Qodobka 162aad: Anshaxa iyo Isla Xisaabtanka

(1) Shaqaalaha rayidka ah waa inay ku dhaqmaan qiyamka anshaxa oo ay ka midyihiin dhexdhexaadnimo, ilaalinta sirta shaqada, ku dhaqanka xeerarka iyo ka fogaanshaha isdiiddo daneed, eex iyo qof jecleysi.

(2) Shaqaalaha rayidka ah waa inay si joogto ah u muujiyaan macluumaadka la xiriira isdiiddo daneed iyo xiriir kasta oo saamayn kara go'aannadooda.

(3) Ku xadgudubka anshaxa waxa lagu mutaysan karaa anshax marin oo ku salaysan hannaan caddaalad ah, daahfurnaan, iyo xaq u lahaanshaha isdifaac.

(4) Shaqaalaha rayidka ah ee si daacadnimo leh u soo sheega ku xadgudubka xeerka ama anshaxa waa in si sharci ah loo ilaaliyo.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
(1) Shaqaalaha rayidka ah waa inay ku dhaqmaan qiyamka anshaxa oo ay ka midyihiin dhexdhexaadnimo, ilaalinta sirta shaqada, ku dhaqanka xeerarka iyo ka fogaanshaha isdiiddo daneed, eex iyo qof jecleysi. (2) Shaqaalaha rayidka ah waa inay si joogto ah u muujiyaan macluumaadka la xiriira isdiiddo daneed iyo xiriir kasta oo saamayn kara go'aannadooda. (3) Ku xadgudubka anshaxa waxa lagu mutaysan karaa anshax marin oo ku salaysan hannaan caddaalad ah, daahfurnaan, iyo xaq u lahaanshaha isdifaac. (4) Shaqaalaha rayidka ah ee si daacadnimo leh u soo sheega ku xadgudubka xeerka ama anshaxa waa in si sharci ah loo ilaaliyo.
English

Not available.

Questions & Comments (0)