Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 11: SHAQAALAHA RAYIDKA EE DAWLADDA
(CHAPTER 11: THE CIVIL SERVICE)
Somali (Original)

Qodobka 161aad: Shaqo Qoridda, Magacaabidda iyo Dallacsiinta Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda

(1) Shaqaalaysiinta shaqaalaha rayidka waxa ay ku salaysan tahay karti, tartan furan, aqoon, iyo sinnaan fursadeed.

(2) Dallacsiintu waa in ay ku salaysnaataa waxqabadka shaqsiyeed, anshaxa xirfadeed, waaya-aragnimada, iyo nidaamka horumarinta shaqada oo ay dejiyeen xeerarku.

(3) Qorista iyo dallacsiinta waa in ay noodaan kuwo kor u qaadaya matalaad caddaalad ah oo leh dheellitirnaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo mudnaan la siinayo haweenka.

(4) Shaqooyinka banaan waa in loo soo bandhigaa oo loo xayeysilyaa si furan oo dadweynaha ay ugu tartami karaan iyadoo lagu daabacayo warbaahinta lyo bogagga rasmiga ah ee dawladda.

(5) Dawladda Federaalka waxay soo saaraysaa xeerarka, siyaasadaha ivo halbeegyada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ee heer federaal ivo heer dawlad goboleed, kaas oo lagu salaynayo mabaadi'da iyo halbeegyada caalamiga ah ee shaqaalaha.

(6) Dawlad goboleedyadu waxay degsan karaan xeerka shaqaalaha rayidka ee dawladooda si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka Federaalka Soomaaliya.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Shaqaalaha rayidka ah waxaa lagu shaqaalaysiinayaa karti, aqoon, tartan furan iyo fursado loo siman yahay. Dallacsiintoodana waxaa lagu salaynayaa waxqabadka, anshaxa xirfadeed, waayo-aragnimada iyo nidaamka horumarinta shaqada. Shaqaalaysiinta iyo dallacsiintu waa inay xaqiijiyaan matalaad caddaalad ah oo bulshada Soomaaliyeed ah, iyadoo mudnaan la siinayo haweenka. Shaqooyinka bannaan waa in si furan loogu xayeysiiyaa warbaahinta iyo bogagga rasmiga ah ee dowladda si dadweynuhu ugu tartami karaan. Dowladda Federaalka waxay dejinaysaa xeerarka iyo halbeegyada shaqaalaha rayidka ah ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyadoo la raacayo mabaadi’da caalamiga ah. Dowlad-goboleedyaduna waxay samaysan karaan xeerar u gaar ah oo ku saabsan shaqaalahooda, haddii ay waafaqsan yihiin Dastuurka iyo shuruucda Federaalka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)