Qodobka 160aad: Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha Dawladda ee Rayidka ah
(1) Shaqaalaha rayidka ah wuxuu xaq u leeyahay doorashada shaqada uu xirfaddeeda leeyahay, mushaar caddaalad ah, badqabka goobta shaqada, hawlgab sharci ah lyo difaac bulsho si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalka.
(2) Shaqaaluhu waxa ay xaq u leeyihiin iny samaystaan urruro shaqaale si ay u helaan habab ay cabashooyin u gudbiyaan.
(3) Shaqaalaha rayidka ah laguma sameyn karo arrimaha soo socda: (a) Is hortaag asagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo; iyo (b) Xilkaqaadid, darajodhimis haddii aysan jirin sabab sharciyeed oo caddaalad ah, waana in loo maraa habraaca anshaxmarinta shaqaalaha rayidka ah hab waafaqsan xeerka shaqaalaha.
(4) Shaqaalaha rayidka ah waa in laga ilaaliyo faragelin siyaasadeed ama aargoosi ka dhasha gudashada xilalkooda.
(5) Shaqaalaha rayidka ah waa in la ilaaliyaa xogtooda shaqo iyo sirta shaqsiga ah iyadoo loo marayo xeerarka dalka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
