Qodobka 159aad: Waajibaadka Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Federaalka
Waajibaadka guddiga waxaa ka mid ah:
(1) Sugidda hannaanka qorista, dallacsiinta, anshaxmarinta iyo ilaalinta akhlaaqda shaqaalaha oo ku salaysan karti, tartanfuran, iyo daahfurnaan;
(2) Diyaarinta iyo dhaqangelinta xeerarka anshaxa shaqaalaha rayidka ah;
(3) Dhiirrigelinta sinnaanta qaybaha bulshada ee hannaanka shaqaqorista;
(4) Maamulidda iyo hirgelinta horumarka xirfadeed, tababbarka iyo qiimeynta waxqabadka shaqaalaha;
(5) Baaridda cabashooyinka, khaladaadka anshaxeed iyo dacwadaha shaqaalaha; iyo baaritaanka arrimaha waxqabadka shaqaalaha rayidka ah;
(6) Talasiinta dawladda ee ku aaddan dib-uhabeynta adeegga rayidka ah iyo horumarinta siyaasadaha la xiriira;
(7) Xiriirka guddiyada heer dawlad goboleed lyo hay'adaha caalamiga ah; iyo
(8) Fulinta hawl kasta ee kale oo la xiriirta arrimaha shaqaalaha rayidka ah oo ku xusan xeerarka Dawladda Federaalka Soomaaliya.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
