Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 11: SHAQAALAHA RAYIDKA EE DAWLADDA
(CHAPTER 11: THE CIVIL SERVICE)
Somali (Original)

Qodobka 158aad: Dhismaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Federaalka

(1) Waxaa la dhisayaa Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Federaalka oo madaxbannaan una xilsaaran maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka ah.

(2) Guddigu wuxuu sanad kasta u soo gudbinayaa warbixin ku saabsan hawlihiisa iyo waxqabadkiisa Baarlamaanka Federaalka.

(3) Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Federaalka wuxuu ka koobanyahay shan iyo toban (15) xubnood, oo uu soojeediyo Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka Federaalkuna ansixiyo, Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku meelmariyo xeer madaxweyne.

(4) Guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka guddiga waxaa iska dhexdooranaya xubnaha guddiga.

(5) Xeer uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahinaya shuruudaha xubnaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Federaalka iyo habka xilka ay ku waayi karaan.

(6) Xubnaha guddiga waxa ay xilka haynayaan muddo shan (5) sano ah oo la cusboonaysiin karo.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Waxaa la dhisayaa Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Federaalka oo madaxabannaan, una xilsaaran maamulka iyo maareynta shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka. Guddigu sannad kasta wuxuu Baarlamaanka u gudbinayaa warbixin ku saabsan hawlihiisa iyo waxqabadkiisa. Wuxuu ka kooban yahay 15 xubnood oo Golaha Wasiirradu soo jeediyo, Baarlamaankuna ansixiyo, Madaxweynuhuna si rasmi ah ugu magacaabo xeer Madaxweyne. Xubnaha guddiga ayaa dhexdooda ka dooranaya guddoomiye iyo guddoomiye-ku-xigeen. Xubnuhu waxay xilka haynayaan shan sano, waana loo cusboonaysiin karaa; sharci uu Baarlamaanku ansixiyo ayaa qeexaya shuruudaha xubinnimada iyo sababaha xilka looga qaadi karo.
English

Not available.

Questions & Comments (0)