Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 11: SHAQAALAHA RAYIDKA EE DAWLADDA
(CHAPTER 11: THE CIVIL SERVICE)
Somali (Original)

Qodobka 157aad: Baaxadda iyo Qaabdhismeedka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda

(1) Shaqaalaha rayidka ah waxaa ka mid noqonaya dhammaan shaqaalaha joogtada ah ee ku hawlan maamulka guud iyo bixinta adeegyada, waxayna ka koobanyihiin: (a) Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda federaalka; iyo (b) Shaqaalaha rayidka ah ee dawlad goboleedyada.

(2) Shaqaalaha rayidka ah waxay ku shaqeynayaan hannaan midaysan oo xeer iyo anshaxba leh.

(3) Waxaa la dhisayaa guddiga shaqaalaha rayidka ah ee heer dawlad goboleed oo maamulaya arrimaha shaqaalaha rayidka ee heer dawlad goboleed, isagoo raacaya xeerarka loo dejiyey.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Shaqaalaha rayidka ah waa shaqaalaha joogtada ah ee dowladda ee ka shaqeeya maamulka guud iyo bixinta adeegyada dadweynaha. Waxay ka kooban yihiin shaqaalaha dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, dhammaantoodna waxay ku shaqeeyaan hannaan mideysan oo leh xeerar iyo anshax shaqo. Dowlad-goboleed kasta waxaa loo dhisayaa Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah oo maamula arrimaha shaqaalaha heerkaas, iyadoo la raacayo xeerarka u degsan.
English

Not available.

Questions & Comments (0)