Qodobka 156aad: Qiyamka iyo Mabaadi'da Hagaysa Shaqaalaha Rayidka
(1) Shaqada Rayidka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa ammaano ummadda loogu adeego, waxaa hagaya mabaadi'da daacadnimo, naxariis, xirfad-yaqaannimo, karti, dhexdhexaadnimo, daahfurnaan, dhegonugayl, sirxajin, asluub wanaag shaqo, howlkarnimo, waxku-oolnimo, isla xisaabtan, wadajir, sinnaan, caddaalad, dhawrista ku kaladambeynta darajooyinka maamul iyo u adeegidda danaha dadweynaha.
(2) Xilka dawladeed waa mas'uuliyad dadweyne, waxaana waajib ku ah shaqaalaha rayidka ah in ay xilalkooda u gutaan si waddaninnimo leh, daacadnimo iyo ixtiraam buuxana u hayaan Dastuurka iyo xeerarka dalka.
(3) Shaqaalaha rayidka ah waa in ay matalaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed, iyada oo si gaar ah loo tixgelinayo dadka naafada ah.
(4) Maamulka guud ee dawladda waa inuu noqdaa mid ku jihaysan horumarin, bulsho u adeegid, kuna dhisan caddaalad iyo sinnaanta adeegbixinta.
(5) Shaqaalaha rayidka ah waa in ay ka fogaadaan fal kasta oo musuqmaasuq iyo adeegsiga awoodda xilkiisa si baalmarsan xeerka iyo anshaxa.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
